Alshabaab oo fagaara ku dishay Laba Haween ah.
Bartamaha (B/Weyne):- Kooxda Alshabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay Laba Haween ah oo lagu sheegay in ay ahaayeen Sirdoonka Dowlada Iyo Ethiopia.
Kooxda Alshabaab ayaa goob fagaara ah xukun dil ah kula riday Laba Haween ah oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen Jaasuusiin ama Sirdoonka Dowlada iyo Ciidanka Ethiopian ee dhawaanahan weerarada ku hayay Baladweyne.
Labada Haweenka ah ayaa waxaa fagaare Baladweyne ku yaala ku dilay Ciidanka Alshabaab iyadoo ay hadal jeediyeen Wadaado haysta Kooxda Alshabaab Ee Gobolkaasi Hiiraan kuwaasi oo shaaca ka qaaday in ay toogteen Haween Jawaasiis ama sirdoon ah.
Labada Haweenka ah ee ay shabaabka ku toogteen shacabka hortooda ayaa waxaa la sheegay in ay sirdoon u ahaayeen Dowlada iyo Ethiopian iyagoo hagayay Ciidanka maalmihii la soo dhaafay weerarada ku soo qaadayay Magaalada Baladweyne.
Labadan gabdhood oo ay shabaabka toogteen ayaanan la ogayn sababta dhabta ah oo ay xukunka ugu rideen iyagoo aan goobta ka qiran dinbiga ay shabaabka ku soo oogeen oo ahaa in ay sirdoon u ahaayeen Dowlada KMG ah iyo Ciidanka Ethiopia.
Goobta dilka uu ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa Haweeb,Caruur iyo dad kale oo dhammaan la faray in ay daawadaan xukunka ka dhacayay fagaaraha ku yaala Magaalada Baladweyne Ee Gobolkaasi Hiiraan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments