Calendar

Alshabaab oo dhalinyarada reer Dhoobley ugu baaqday in ay guursadaan.

SOMALIA-CONFLICT/Bartamaha(Dhoobley):-Maamulka Alshabaab Deegaanka Dhoobley ayaa dhalinyarada u jeediyay in ay guursadaan iyagoo Waalidiinta ugu baaqay in ay fududeeyaan gurka.

Sargaal lagu magacaabo Sheekh Max’ed Carabow oo aha Gudoomiye Xigeenka Alshabaab Dhoobley ayaa ku baaqay in dhalinyarada ay guursadaan islamarkaan ay Muslimiinta badiyaan.

Sargaalkaasi Alshabaab u hadlay ayaa dhalinyarada u sheegay in ay muhiim tahay guurka islamarkaana uu sheegay in aan wax xujja ah la duldhigaynin haddii ay guursanayaan.

Waalidiinta reer Dhoobley ayaa loogu baaqay in dhalinyarada ay u guuriyaan islamarkaana ay culeys aanay saarin dhlinta guur doonka oo ay u fududeeyaan guurka gandhaha.

Magaalada Kismaayo ayaa horay looga soo saaray amar buuxa oo ku wajahan guurka iyo gawaarida lagu galbinayo arooska taasi oo lagu sheegay Israaf shareecada aan ku banaanayn.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: