Alshabaab oo cunaqabatayn saartay Ceel Barde.
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab ayaa soo rogtay Cunaqabatayn si gaar ah ay u saartay dadka dagan Degmada Ceel Barde Ee Gobolka Bakool.
Raashin ku rarnaa gawaari badan ayaa lagu xanibay Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool markii Saraakiisha shabaabka ay diideen in raashin loo gudbiyo dadka dagan Ceel Barde.
Gudoomiyaha Degmada Ceel Barde Ee Dowlada KMG ah Ibraahim Dheere oo saxaafada xiriir la soos ameeyay ayaa sheegay in raashin la’aan ay haysato dadka dagan Ceel Barde taasina ay shabaabka sabab u yihiin.
Gudoomiyaha waxa uu xusay in Cunaqabatayn xoog badan la saaray deegaanka markii awood ahaan shabaabla looga roonaaday gudaha Degmada Ceel Barde taasi oio uu sheegay in aanay sababi karin dhibaataynta shacabka.
Alshabaab saraakiishooda Gobolka Bakool ayaa waxa ay ku dhiiradeen in ay xanibaan raashinka loo iibgeynayo  Degmadaasi Ceel Barde oo dhawaanahan ay ka talinayeen Mamulka Dowlada KMG ah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi-Kenya.
Comments
comments