Saraakiil Al-shabaab ka tirsan oo gaaray Gobalka Gedo
Bartamaha(Gedo):-Saraakiil Caan ah oo shabaabka ka mid ah kuwaasi oo ay ka dhex muuqdeen Cali dheere Afhayeenka Alshabaab iyo Sheekh Fu’an Shangole ayaa waxa ay gaareen Gobolka Gedo halkaasi oo Ciidan ay k qoranayaan.
Sheekh Cali dheere iyo Fu’aad Shangole oo fagaare kala hadlayay dhalinyarada Deegaanka oo la isugu keenay Gudaha Baardheere waxa ay sheegeen in looga baahanyahay dadka dagan Gobolka Gedo in ay Jihaadka ka qeybgalaan.
Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo dhalinyarada si gaar ah ula hadlayay ayaa ugu baaqay in ay isku qoraan Liiska Mujaahidiinta si dagaalka ay uga qeybagalaan sida uu ka dalbaday dhalinyarada reer Baardheere.
Cali dheere ayaa fagaaraha waxa uu ka sheegay in dagaalka ay balaarinayaan oo ay gaarsiinayaan Gobolada dalka oo dhan iyo Wadamada la jaarka ah Soomaaliya oo uu sheegay in ay muhiim tahay in shareecada la gaarsiiyo sida uu warka u dhigay Cali Dheere.
Ugu danbayn Shabaabka saraakiishooda waxa ay wacad ku mareen in ay sii balaarinayaan dagaalka ay la galayaan Amisom iyo Dowlada KMG ah si ay dalka u qabsadaan.
Dhawaanahan waxaa jiray saraakiishan in ay socdaal ku marayeen Gobolada Jubooyinka oo ay ka qoranayeen Ciidankii ay ku qabsan lahaayeen Magaalada Muqdisho dhulka ay maamusho Dowlada KMG ah oo culeys xoogan uu ka soo wajahay Xarumaha Muhiimka ah Ee Dowlada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments