read more »">

Calendar

Alshabaab oo bililiqeystay Xarunta Hay’ada ARDA Baladweyne.

ardaBartamaha (Muqdisho):- Alshabaab ayaa maanta xoog ku galay xarunta Hay’ada Maxaliga ah ee ARDA gudaha Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaad shabaab ah ayaa saaka xoog ku galay dhismaha Hay’adaasi waxaana ay halkaasi ka boobeen dhammaan wixii hanti yaalay dhismaha Xarunta Hay’ada Arda oo muddo ka shaqeynaysay Gobolka.

Hay’adan ayaa hantideeda la xalaalaystay markii ay War-saxaafadeed ay ku mamnuucayaan soo saareen ragga qaabilsan dhanka la socodka shaqada Hay’adaha Gargaarka Caalamiga ah ee dalka ka shaqeeya.

Maleeshiyaadka maanta bililqeystay xarunta Hay’ada ayaa waxa ay soo galeen markii ay si toos ah uga soo duulaan tageen xarunta Maamulka Alshabaab ee degmada taasi oo la dareemayo in maamulka uu u fasaxay hantida hay’ada.

Ma jiro wax war ah oo hay’ada ka soio baxay waxaana la xaqiijiyay in gawaari lagu rartay Kuraastii,Miisaaskii,Compiuteradii iyo dhammaan qalabkii yaal;ay xafiiska Hay’adaasi Arda Ee Baladweyne.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: