Alshabaab oo baydhabo ku qabtey dad sameeya khamriga
Alshabaab ayaa hawl gal ay ka sameeyeen xaafad ku taala magaalada Baydhabo oo lagu magacaaabo xaafada Horseed ayaa waxey ka soo qabteen goob lagu sameynayey Khamriga la kariyo
Ciidamda Alshabaab ee halwgalka sameynayey ayaa waxey ay xoojiyeen amaanka goobta lagu arkey Khamriga, iyagoo ay mudooyinkii danbe ay aa u raadinayeen gobahaasi oo kale.
Madaxa Amaanka Maamulka xarakada Alshabaab ee gobolada Bay iyo Bakool, Sh Xasan Deerow ayaa sheegey in ciidamadoodu in mudo ah ay wadeen baaritaan ay ku hayeen waxayaabaha, maanka dooriya.
Waxaa uu sheegey in dadka wax sameynayey ay yihiin soomaali ciidamaduna ay yihiin Soomaali, waxeyna ciidanka soo gaarsiiyey shacabka xaafadaasi oo sheegey in ay diidanayeen ayna ciidanku aritaasi ku dhaqaaqeen.
Sh Xasan deerow ayaa sheegey in ay dhamaanba dadkii iyo qalabkiiba ay ku sameynayeenba ay soo qabteen, isagoo sheegey in ay tahey waxani wax aysan diintu ogoleyn loona baahan yahay in la tirtiro dhamaanba Gobolada Bay iyo Bakool
Waxaa uu sidoo kale digniin u jeediyey dadka ka farsameeya hawlahaasi waxaana uu sheegey in ay ciqaab la kulmi doonaan, balse hadii ay ka tawbad keenaan ay cafin doonaan.
Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysey oo ay ciidamada maamulka xarakada Alshabaab, hawlgal kan lamid ah oo ay ku soo qabtaan waxyaabaha maanka dooriya
Comments
comments