Calendar

Alshabaab oo balan ku qaaday in ay weeraro ku qaadayso Magaalooyinka Kampala iyo Bujanbuura.

shababBartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay weeraro muuqda ku qaadi doonto Xarumaha Ciidamada Amisom Ee Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinkii laga soo diray si loogu aargudo shacabkii shalay la xaquuqay.

Gudoomiyaha Wilaayada Gobolka Banaadir Ee Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo Saxaafada Muqdisho kula hadlayaya ayaa waxa uu sheegay in ay u aargudi doonaan dadkii Bakaara shalay lagu laayay.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen Gudoomiyaha Wilaayada Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ku dhaartay in laga ooyn doono Magaalooyinka Kampala iyo Bujanbura maadaama shalay laga baroortay Muqdisho ka dib xasuuqa ka dhacay Bakaaraha.

Sargaalkaasi Alshabaab u hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Xarakada ay ka naxday shacabki  shalay Muqdisho lagu halaagay balse Magaalooyinkaasi ay dhibaatooyin gaarsiin doonaan.

Alshabaab hadalka ka soo baxay ayaa waxa uu imaanaya wax yar ka dib markii madaafiic lagu laayay shacab aad u fra badan gudaha Suuqa Bakaaeaha Ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« Next Post »

Comment: