Alshabaab oo amaro iyo cadaadin xambaarsan kala dul dhacday Barakacayaasha.
Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Alshabaab oo looga bartay fulinta amaro ay si gaar ah ugu caan baxday ayaa waxa ay hadda culees saareen dadka dhibanayaasha ka barakacay Muqdisho ee dagan Ceelasha Biyaha.
Dadka ka barakacay caasimada ee ku dhaqan Deegaanada Ceelasha Biyaha illaa Afgooye ayaa hada la qabsan la’ amaro aad u adag oo shabaabka ay dumarka,Caruurta,dhalinyarada iyo dadka kale ee dagan Ceelasha mar qura dul dhigtay.
Amarakada ayaa waxaa ugu waaweyn markii Haweenka oo dhan la faray in ay Xijaabka xertaan oo ay qaataan astaamo kala duwan sida qaadashada Sigisaanta ama iskaalshooyin Kalaro gaar gaar ah leh oo la faray in ay dumarka qaataan.
Sidoo kale dhalinyarada ayaa la bilaabay in Saraawiisha laga jaro lana faro in ay garka daystaan oo aanay xiiri karin garka taasi oo noqonaysa amar ku cusub dhalinyaro badan oo aan dhaafin dhulka ay u soo barakaceen ee duleedka caasimada Muqdisho.
Dhanka kale waxaa amarada ka mid noqday gawaarida Bl-ka wadooyinka maraya iyo goobaha ay ka qaadayaan rakaabka iyadoo goobaha ganacsiga dadka gadaya fariimo culues la gaarsiiyay islamarkaana digniino loo jeediyay ganacsatada waratada ah ee hareeraha laamiga ku ganacsata.
Amaradan oo ay farayaan gawaari ay saaran yihiin Cod baahiyayaal ayaa waxaa fulinta amardaasi loo xilsaaray dhalinyaro askar ah oo wejiyada u xeran yihiin kuwa Hubaysan Hubka fudud iyo Karbaash ay la dhacayaan cidii ay ku arkaan jabinta amarkooda.
Dadka barakacaayasha ah oo xaalad nolol xumo hore u haysatay ayaa waxa amarkan uu noqonayaa mid saamayn ku yeeshay maadaama muddo aanay arkin amaradan oo kale iyadoo deegaanka ay haysteen xilli hore kooxdii magacooda la tirtiray Ee Xizbul Islaam.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.
Comments
comments