read more »">

Calendar

Alshabaab Maxaa laga rabaa Amisom ayaa ka dil badane?!!

amisom iyo dilkaBartamaha — Raad raac la sameeyay oo ay fure u ahayd Washington Post ayaa lagu ogaaday in labadii Sano ee ugu danbeeyay ay la’deen Shacab maata ah oo lagu dilay magaalada madfaca iyo rasaasta looga noolaan la’ yahay ee Muqdisho.

Muqdisho ayaa waxaa Labadii sano ee ugu danbeeyay dhintay dad gaaraya :- 4200- qof oo maata ah.  Sida xogta lagu ogaaday boqolkiiba 80% waxaa dishay AMISOM,  sida uu sheegay Cali Muuse oo ah madaxa gaadiidka gurmadka ee magaalada Xamar.

Mar hadii aan sii dhex galno warbixintaasi dilka shacabka gaaraya 4200 ee ruux ayaa sanadkii 2009-Ka iyo sanadkan 2010-ka  Amisom waxa ay madfac iyo rasaas ku dishay 3360-ruux taasi oo ka dhigan in sanadiiba ay dishay dad lagu qiyaasay 1680-ruux, halka Alshabaab iyaguna ay dileen 840 ruux Labadaas sano oo dhan taasi oo u dhigan in sanadkiiba ay dishay dad gaaraya 420-Ruux oo shacab  ah.

amisom2Haddaba annagoon cidna u janjeerin ayaa waxaa yaab leh in mar walba la yiraahdo Alshabaab Ilaahoow naga qabo laakiin makula tahay akhristoow 1680 Soomaali dadka madfac ku laayay hal sano gudaheed in laga aamuso oo diiradda meel kale naloo saaro.

Nolosha dadkeena Soomaaliyeed waa mid qaali ah, cidina xaq uma laha in dad masaakiin ah oo guryahooda iska fadhiya laga tirtiro aduunka oo aan cidna laga arag.

The head of the city’s ambulance service, Ali Muse, said that pro-government forces from the African Union and Somali troops are to blame for the majority of the civilian deaths – about 80 percent.

“All of those victims are civilians killed either by stray bullets or hit by mortars or by artillery shells,” said Muse, who is the head of the Lifeline Africa Ambulance Service. “About 80 percent of them died at Bakara market, which is the main target of the African Union peacekeepers.”

Halkan ka akhriso jariiradda Washington Post iyo warbixinteedii:

www.BARTAMAHA.COM

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: