Calendar

Alshabaab Kismaayo oo Xabsiyada dhigtay dad bixin waayay lacagaha la dul dhigay guryaha la dhisanayo.

KismaayoBartamaha(Kismaayo):-Maamulka Alshabaab Kismaayo ayaa Xabsiyda dhigay qaar ka mida dad maanta lagu soo qabtay xilli ay dhisanayeen guryahooda Magaalada.

Ciidamada Ammaanka Alshabaab Kismaayo ayaa waxa ay Xabsiyada u taxaabeen illaa 5-ruux oo la soo qabtay xilli ay dhisanayeen dhismayaal Magaalada iyadoo aan lala socodsiinin Waaxda Arimaha Bulshada Alshabaab Kismaayo.

Taliye Xigeenka Ammaanka Kismaayo Sheekh C/raxmaan Abuu-Hurayra ayaa Saxaafada u sheegay in dadkaasi la soo xeray ay ahaayeen kuwa qaadan waayay amarka maamulka.

Abuu-Hureyra ayaa ka dhawajiyay in la ganaxi doono ciddii aan Maamulka la socodsiinin dhismayasha Magaalada lagu soo kordhinayo iyo kuwa la dayactirayo taasi oo waax Arimaha Bulshada  loo xilsaaray

Dadka Magaalada Kismaayo oo shalay iyo darato la geeyay Saldhiga ayaa waxa ay qireen in la weydiidyay lacag Canshuur ah oo la dul dhigay dayactirka iyo dhisida guraha Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: