Calendar

Alshabaab Kismaayo oo tacsiir ku fulisay nin khudba sira ku guursaday iyo Haasawaha oo la mamnuucay.

kismayoBartamaha(Kismaayo):-Fagaara ku yaala Magaalada Kismaayo ayaa lagu tacsiiray nin ku guursaday Khudba sira (Nikaax sir ah) iyadoo digniin loo jeediyay dhalinyarada Magaaladaasi.

Maamulka Kooxda Alshabaab Kismaayo ayaa shalay gabal dhicii Xukun Tacsiir ah ku riday wiil dhalinyara ah oo lagu Eedeeyay in uu Gabar Khudba sira ku mehersaday kaasi oo fagaara lagu tacsiitay.

Maamulka ayaa waxa ay sheegeen in uu baadil yahay guurka Sirta ah ama Nikaaxa Hoose oo aan waalidka la socan iyadoo sheegtay in cidii lagu helaa Tacsiir lagu fulin doono.

Shalay ayaa waxaa fagaaraha Kismaayo ee beerta xuriyada la keenay wiil dhalinyara ah oo egay in ay ahayd 25-jir kaasi oo lagu Eedeeyay in uu Nikaax hoose ku guursaday gabar reer Kismaayo ah.

Illaa 40-Karbaasha yaa lagu dhiftay wiilka dhalinyarada ah ee shalay la keenay fagaraha iyadoo dadka reer Kismaayo ay daawanayeen Xukunkan oo dad badan  ay la yaabeen oo shalay Kismaayo ka dhacay.

Dhanka kale Saraakiisha ALshabaab ee goobta xukunka uu ka dhacayay ka hadashay ayaa waxa ay ka digeen Haasaawaha ay yeelanayaan ragga iyo dumarka kala ajnabiga ah iyadoo la sheegay in tallaaba cad laga qaadayo ciddii lagu qabto samaynta wada sheekaysi sida uu yiriu sargaal u hadlay Alshabaab Kismaayo.

Sargaalka hadlayay ayaa waxa uu dhalinyarada u jeediyay in ay joojiyaan Haasaawaha(Shukaansiga) iyadoo Ciidamada la faray in ay soo qabtaan haddii ay arkan Wiil la taagan Gabar iyadoo la mamnuucay wada hadalka iyo isla socoshada ragga iyo dumarka.

Amarada ka soo baxaya Maamulka Alshabaab Kismaayo ayaa waxa ay yihiin kuwa dad badan ay su’aala iska weydiinayaan wallow Magaaladaasi ay tahay magaalada ugu xukun fulinta badan Deegaanada ay gacanta ku hayaan IslaamiyiintaSoomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: