Alshabaab Jubooyinka oo u hanjabtay dad ay ku sheegeen Basaasiin.
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab Jubooyinka ayaa maanta jeedisay digniin aan si gaar ah qof u taabanayn balse muujinaysay in la soo dhexgalay Alshabaab Jubooyinka.
Sheekh C/raxaam Abuu-Xudeyfa oo ah sargaal ka mida maamulka Alshababa Jubada Hoose ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay ogyihiin dad Jawaasiis ah oo la shaqeeya Maraykanka iyo Amisom.
Ninkan sargaalka ah ayaa sheegay in ay dilayaan dadka ay ka shakisanyihiin haddii aanay ka bixin howsha Jaasuusnimada ah oo ay u joogaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Sheekh ABuu Xudeyfa ayaa intaasi ku daray in ay ka warhayaan dhalinyarada Basaasiinta ah iyo ragga garab siinaya intaba dhawaana ay madaxa ka jari doonaan oo talaab cad ka qaadanayaan.
Sargaalkan oo hadakiisa hanjabaad iyo indho gaduudis u badnaa ayaa sheegay in maalin walba aanu fakanayn qofka doonaya in qaska iyo ammaan darada uu ka sameeyo Kismaayo.
Hanjabaada iyo shakiga soo ifbaxay ayaa imaanaya xilli Qarax dhawan uu ka dhacay gudaha masjid ku yaala Magaalada Kismaayo iyadoo ammaan daro kale ay ka baqanayaan Maamulka Kismaayo.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed Baratamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments