Calendar

Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo shacabka u kala jiidanaya Fagaarayaal loo diyaariyay dukashada Salaada Ciida.

salaada ciidaBartamaha (Muqdisho):- Kooxaha Alshabaab iyo Xizbul Islaam ayaa kala jiidanaya dadka shacabka ah oo ay u kala tilmaameen fagaarayaal kala gooni ah.

Kooxda Alshabaab Maamulkeeda Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka in ay ku dukadaan Salaada Ciida fagaarayaal ay sheegeen in ay u diyaariyeen Maalinta Ciida ah.

Gudoomiyaha Alshabaab Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen “Cali Jeesto”  ayaa shacabka u jeediyay hadal u muuqanayay amar toos uga soo baxay madaxda sare Ee Alshabaab.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu amray Imaamyada Masaajida in ay xeraan guud ahaan Masaajida maalinta berita ah oo Ciida ku began waxaana uu masuulkaasi sheegay in Alshabaab ay diyaariyeen illaa 5-goob oo lagu oogayo salaada.

Goobaha Alshabaab ay cabirteen ayaa waxaa ka mida Stadium Muqdisho iyo Xerada Maslax oo ay alshabaab hada saldhigyo Militari ku leeyihiin muddo sanad ka badana aanay dad shacab ah cagaha dhigin Xarumahaasi.

Dhabka kale Xizbul Islaam ayaa dhankeeda goobo gaar ah farta ugu fiiqday shacabka si ay ugu dukadaan salaada Ciidul Fitriga oo berito ku beegan waxaana ay balan qaadeen amniga shacabka dukanaya salaada Ciida.

Xizbul Islaam waxa ay shacabka u sheegtay in ay u diyaarisay Saldhiga Yaaqshiid,Warshadii Baastada iyo Shineemo Derbi oo dhammaan ah gobo ay saldhigyo ku leeyihiin maleeshiyaadka Xizbul Islaam.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: