Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo ku dagaalamay duleedka Balcad.
Bartamaha (Balcad):- Maleeshiyaadka shabaab iyo Xizbul Islaam ayaa ku dagaalamay Deegaano ka mida duleedka Degmada Balacad Ee Gobolkaasi Sh/dhexe.
Kooxaha islaamiyiinta ah ayaa shalay galinkii danbe ku dagaalamay Xerada Hiilweyne oo ku taala duleedka Degmada Balcad Ee Gobolka Sh.dhexe halkaasi oo shabaab ay weerar jiha walba uga qaadeen.
Kooxda Shabaab ayaa awood kula wareegtay xerada Hiilweyne oo ay haysteen Ciidanka Macalin Xaashi Maxamed Farax oo ah gudoomiyaha Xizbul Islaam Ee Gobolka Banaadir kaasi oo shalay loo awood sheegtay.
Xerada Hiilweyne ayaa waxaa Macalin Xaashi uu haystay muddo 10-Sano ku dhow isagoo ka madax banaanaa xiligaasi Islaamiyiinta Mucaaradka wallow haatan awood ay shalay ugu sheegteen xeradiisa kooxd shabaab.
Xaalada Degmada Balcad ayaa aad u qasan waxaana laga baqanayaa in dagaal xoog leh uu dhexmaro shabaab iyo Xizbul Islaam oo weli isku horfadhiya dhulkii shalay uu dagaalka ka dhacay wallow xerada la weeraray Ee Hiilwayne ay shabaabka qabsadeen.
Wax war ah kama soo bixin Macalin Xaashi oo la qabsaday saldhiga uu kaligiis u madaxa banaanaa muddo dheer markii shalay ay ugu awood sheegteen Kooxda shabaab oo hadda xeradii Hiilweyne haysata.
Wixii warar dheeraad ah kala soco www.Bartamaha.Com.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments