Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo ka digay Ciidamo la keeno Soomaliya.
Bartamaha (Muqdisho):- Kooxaha Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa ka digay Ciidamo la keeno gudaha Dalka Soomaaliya.
Hogaamiyaha Kooxda awood ahaan la wiiqay Ee Xizbul Islaam Xasan Daahir Aweys ayaa ka digay Ciidan Ethiopian ah oo dib loo soo galiyo gudaha Soomaaliya.
Xasan Daahir oo ka jawaab celinayay go’aanka ay gaareenMadaxda Wadamada IGAD ayaa waxa uu sheegay in xaalada soomaaliya ay ka sii darayso haddii Cidan la keeno.
Wadaadka Hogaanka ka ah Xizbul Islaam waxa uu ugu danbayntii daaha ka qaaday in ay dagaalka sii kordhinayaan haddii dalka la keeno ciidan hor leh.
Dhanka kale Afhayeenka dhanka Siyaasada iyo xiriirka hogaanada Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo saxaafada xiriir telfon la soo sameeyay ayaa sheegay in ay sii kordhinayaan dagaalka.
Cali dheere waxa uu sheegay in ay xabadka u dhigayaan rasaasta ay soo ridayaan Ciidanka haatan jooa islamarkaana ay sidaasi oo kale ugu babac dhigi doonaan ciidan kasta ee dalka soo gala.
Hadalada u muuqday jawaabta ee ka soo kala yeeshay shabaab iyo Xizbul Islaam ayaa muujinaya qaabka ay uga baqanayaan Ciidan Ethiopian ah oo la hadal haayo in la keenayo gudaha Soomaaliya.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Bariga Afrika.
Comments
comments