Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo isku horfadhiya duleedka Afgooye.
Bartamaha(Muqdisho):-Maleeshiyaadka Alshabaab iyo Xizbul islaam ayaa isku horfadhiya duleedka Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.
Maleeshiyada Shabaab ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay gaareen duleedka Afgooye iyagoo amar ku bixiyay in lagu wareejiyo Isbaaro u taalay Xizbul Islaam.
Ciidanka Xizbul Islaam ayaa galay difaacii ugu xooganaa markii Askarta Shabaabka ay soo galeen Deegaanka Xaawo Cabdi iyo wadada u baxda Tuulada Basra.
Xaalada Deegaanada Loo barakacay ee u dhexeeya Afgooye iyo Muqdisho ayaa waxaa ka taagan baqdintii ugu danbaysay waxaana xilli waliba la filan karaa dagaal dhexmara labada Maleeshiyo.
Wadada isku Afgooye iyo Balcad ayaa la soo sheegayaa in ay qarka isku saaranyihiin labada Maleeshiyo oo laga baqanaayo in ay dagaalamaan.
Xaaladan kacsanaanta ah iyo jawiga Colaadeed ayaa timid markii Maleeshiyaadka shabaabka ay dalbadeen in Xizbul Islaam hubka iska dhigto oo ay ku ware4ejigaan gacan ku haynta deegaanada ay haystaan Alshabaab oo horay ula soo wareegtay Baladweyne iyo Jubooyinka.
Wixii warar ah ee ku soo kordha xalada taagan www.Bartamaha.Com kala soco.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdish-Somalia.
Comments
comments