Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo isku fahmi waayay kulan ka dhacay Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):- Kooxaha Alshabaab iyo Xizbul Islaam  ayaa isku afgaran waayay kulan uga socanayay maalmihii la soo dhaafay gudaha Muqdisho.
Kulan lagu doonayay in ay ku wada heshiiyaan Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo ka socanayay Magaalada Muqdisho ayaa syhalay fashil ku dhamaaday iyadoo lagu kala dareeray kulan saddex maalin socanayay.
Kulanka oo ujeedadiisa ahayd sidii ay u midoobi lahayeen Alshabaab iyo Xizbul Islaam ayaa fashil ku soo dhammaaday markii Alshabaab ay ku adkaysatay in la qaato magaceeda islamarkaana Xizbul Islaam me3eshaasi la isaga ilaabo.
Guddi ka kooban 5-Xubnood oo laba dhinac ah ayaa muddo saddex cisho ah lahaa shirar xiriir ah oo lagu doonayay midnimada Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo ah laba Urur diimeed oo mucaarad ku wada ah siyaasada Dowlada KMG ah.
Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur oo ahaa sargaalka shanka shbaabka wakiilka uga ahaa Shirka ayaa ku adkaystay in lagu midoobo magaca Kooxda Alshabaab isagoo dalbaday in la iska daayo magaca Xizbul Islaam taasi oo khilaaf aan yarayn dhalisay.
Hogaamiyaha Xizbul Islaam Xasan Daahir Aweys ayaa la xaqiijiyay in ay ka daadagi waysay Dalabka Alshabaab ee ku aadan in magaca Xizbul Islaam meesha laga saaro isagoo dalbaday in Dowlada wadaag ah ay dhistaan labada Urur sidaana la isaga daayo magacyada la kala wato wallow taasi aanay dhicin.
Abuu Mansuur oo ah sargaalka hogaaminayay gudiga Shabaabka ayaa ka dalbaday sida la xaqiijiyay Xasan Daahir in uu si gaar ah ula midoobo Alshabaab taasi oo ka dhignayd burburka guud ee Xizbul Islaam.
Labada Urur ayaa haatan waxa ay ku kala tageen shirarkii lagu doonayay in lagu mideeyo waxaana la xasuustaa in Alshabaab ay horay ula soo midoobeen garabyo ka soo go’ay Xizbul Islaam kuwaasi oo la qaatay magaca Alshababa Al Mujaahidiin.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments