Calendar

Alshabaab iyo Ethiopian xalay ku dagaalamay Ceel Barde.

dagaalllBartamaha(Ceel-Barde):-Dagaal u dhexeeyay Alshabaab iyo Askarta Ethiopia ayaa xalay ka dhacay gudaha Deegaanka Ceel Barde Ee Gobolka Bakool.

Ciidamada Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhiyada askarta Itoobiyaanka ay ku leeyihiin gudaha iyo daafaha Degmada Ceel Barde Ee Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay xiligaasi oo shacabka dagan deegaanka Madafaiic looga tuusiyay hurdada waxaana ka dhacay deegaanka dagaal xoog badan.

Madaafici badan ayaa ku dhacday guryo ay shacab daganaayeen gudaha Ceel Barde markii labada dhinac ay isdhaafsadeen Hoobiyayaal iyo rasaas fool ka fool ah oo aad u xooganayd.

Ma jirin saldhig ay qabsadeen Alshabaab waxaana ay isaga bexeen deegaanka Ceel Barde markii xaalada cuslaatay oo dhinac walba rasaasta ay ka holacday gudaha iyo daafaha  Deegaankaasi.

Ciidamada Ethiopianka ah ayaa saaka dibada uga baxay Deegaanka waxa ayna raad raaceen goobihii weerarka ay uga soo qaadeen Alshabaab oo isaga dhaqaaqay goobo ay dhawaanahan joogeen.

Wax hadal ah kama soo bixin Alshabaab ooi la xiriira dagaalka ay la galeen Cidiamada Ethiopianka ah oo dhawaan la wareegay ammaanka guud ee Deegaanka Ceel Barde.

Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: