Alshabaab iyo Ahlu sunnah oo dagaalamay.
Bartamaha (Hiiraan):-Dagaal u dhexeeya Kooxaha Alshabaab iyo Ahlu sunnah ayaa ka dhacay Gobolkaasi Hiiraan.
Dagaalka ayaa waxa uu dhacay xalay saqdii dhexe iyo saka aroortii hore ka dib markii Maleeshiyaadka Shabaab ay weerar ku qaadeen Kooxd Ahlu sunah.
Saldhiga la weeraray oo ku yaalay deegaanka Maxaas ayaa waxa uu sababay qasaara kala duwan markii Ciidanka Labada Koox ay isku adeegsadeen hubka nuucaydiisa kala gadisan.
Xaalada goobta dagaalka xoogiisa uu ka dhacay ayaa haatan ah mid dagan waxaana dib looga saaray Deegaanka Maxaas Maleeshiyada Alshabaab oo weerarka ku qaaday halkaasi.
Dhawanahan ayaa waxaa socanayay dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay kala wadeen Alshabaab iyo Ahlu sunnah gudaha Gobolkaasi Hiiraan oo maamulka gobolkaasi intiisa badan ay haystaan ALshabaab.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments