Calendar

Alshabaab “Waxaan wakiil buuxa ka nahay Al-Qaacida dagaalkana wuxuu ku baahi doonaa Caalamka oo dhan…”

aslahabababaBartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in dagaalada soomaaliya ay qeyb ka yihiin kuwa Al-Qaacida Caalamka ka wado.

Sargaal Alshabaab ka mid ah oo hadal ka jeedinayay masjid ku yaala Muqdisho ayaa daaha ka qaaday in ay yihiin wakiilada Al-Qaacida ee Geeska Afrika dagaalkana ay wadayaan inta uu 1-qof ka noolyahay.

Sargaalkan ayaa waxa uu sheegay in ay ka barbar dagaalamaan rag Mujaahidiin uu ku sheegay oo mid ka mid ah uu xiligaasi garabkiisa ka muuqday.

Ragga uu sheegay in ay ka kla yimaadeen wadamo Caalamka ka mid ah oo dalka Maraykanka uu ka xusay iyadoo nin Wejiga u xernaa oo midabka Cadaanka alahaa uu garabkiisa taagnaa Sargaalka hadlayay.

Sargaalkan Alshabaab ka mid ah oo dhanka Dacwada u qaabilsan ayaa waxa uu ku celceliyay in ay dagaalka sii wadayaan inta Caalamka laga gaarsiinayo Shareecada.

Alshabaab ayaa waxaa horay Dowlado badan oo caalmka ah ay ku sheegeen kuwa wakiilo ka ah Al-Qaacida wallow haatan ay u sii xuubsiibanayaan dagaalka ka dhanka ah Maraykanka oo ay Al-Qaacida ka bilowday Afganistan iyo Ciraaq.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« Next Post »

Comment: