Calendar

Alshabaab“Soomaalida dagan Kenya iyo Ethiopia waa in ay halkooda ka bilaabaan Kacdoon iyo Dagaal….”.

shabaab afhayeenBartamaha(Afmadow):-Alshabaab ayaa Soomaalida dagan Kenya iyo Ethiopia ugu baaqday in ay dagaal ka dhan ah Dowladahaasi ka bilaabaan gudaha Dalalka ay joogaan.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamud Raage “Cali Dheere” afhayeenka Alshabaab oo hadal u jeedinayay dadka dagan Afmadow ayaa ugu baaqay in ay isku diyaariyaan dagaal lala galo gaalada dagan Gobolka.

Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere ayaa hadalkiisa waxaa uu ku sheegay in dagaal Caalami ah uu ka socdo geeska Afrika isagoo shacabka ugu baaqay in ay hubkooda qaataan si loo baneeyo Ciidanka Xadka dagan.

Afhayeenka waxa uu dhanka kale shacabka Soomaalieed ee dagan Kenya iyo Ethiopia ugu baaqay in ay dagala bilaabaan si ay halkaasi u gaaraan Ciidanka Xarakada Alshabaab oo u diyaarsan sida uu yiri dagaal ay la galaan Gaalada Gobolka dagan.

“Soomaalida dagan Kenya iyo Ethiopia waa in ay halkooda ka bilaabaan Kacdoon iyo Dagaal….Mujaahidiinta waa ay u diyaarsanyihiin gaaritaanka Gobolka oo dhan si looga taago Raayada Islaamka….” Ayuu yiri Cali dheere oo hareerihiisa ay joogeen dhalinyarada Alshabaab oo hubka sare u taagayay.

Fariintan Alshabaab ay u direen shacabka SOomaalida ah ee dagan Labada Dal ayaa saamayn ku yeelan karta nolosha Soomaalida waxaana marar badan shakki laga qaaday dhalin yaro badan oo labadaasi dal isaga nool kuwaasi oo lala xiriiriyay in  ay yihiin Shabaab.

Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, KENYA, Wararka Maanta.
« »

Comment: