Al-Tadaamun Al-Islaami oo soo afmeertay tartanka Qur’aan akhriska Bisha Ramadaan Gudaha Degmada Afgooye (Daawo Sawirada).
Bartamaha (Afgooye):- Tartan Qur’aan akhriska Bisha Ramadaan oo ay ku tartameen ardayda dagan Degmada Afgooye iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa la soo afmeeray.
Tartanka oo la bilaabay 15-Bishan Ramadaan ayaa waxaa ka qeyb galay 120-Arday Dugsi Qur’aan oo ka kala socotay 32-Dugsi oom ku kala yaala Afgooye iyo hareeraha magaaladaadi oo dhammaan ku tartamay Qur’aanka Kariimka.
Ardayda tartamaysay ayaa waxa ay ku kala tartamayeen 30-Jus ee Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah 20-Jus iyo 10-Jus oo ardayda heerarkaasi ay ku kala tartameen waxaana tartankaasi goobjoogayaal ka ahaa Hay’ada Tadaamun Al Islaami iyo Macalimiinta oo guddi ahaa.
Sheekh Axmad Maxmad Cabdi afgooye oo ahaa Wakiilka Madaxa Jumciyada Tadaamun oo la hadlay ardayda ayaa waxa uu ku dhiiri galiyay Xifdinta Qur’aanka Kariimka isagoo ku farxay ardayda intaasi la eg ee ku tartamaysay wax walba waxa ugu Kherka badan oo ah ku tartamida Qur’aanka Kariimka ah.
Tartanka oo ay galeen 93-Wiil 27-gabdhood ayaa dhammaan waxa ay ku faraxsanaayeen tartanka ay ku tartameen Kitaabka alle waxaana lagu wadaa in abaalmarino culus ay helaan marka la dhamaystiro sixida Natiijad ardayda iyo qaabka ay u kala guulaysteen.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments