Al-shabab oo ka baxaysa ururka Al-qaida
Warar ay Helayaan warbaahinta ayaa waxaa ay sheegayaan in Hogaamiyaha Al Qaacidada Somalia ka dagaalanta Ee Al shabaab Axmed Cabdi Godane uu wado qorshe uu Al shabaab uga saarayo Urur weynaha Al Qaacida oo uu Isagu horay ugu dhawaaqay in ay la midoobeen oo ay ka amar qaadan Doonaan Hogaamiyaha sare Ee Al Qaacida .
Axmed Cabdi Godane ayaa la sheegay in uu Go.aankaan Qaatay Markii Dhawaan Hogaamiyaha al qaacida Cod uu soo duubay oo lagu baahiyay Warbaahinta Al Qaacida lagu canaantay Godane oo lagu Eedeeyay in uu Qaabkii Khaawarijta u shaqeeyo Fikirkiisuna uu u sii Xuub siibanayo Khawaarijnimo sida uu hadalka u dhigay Eyman Al dawaahiri Hogaamiyaha Al Qaacida.
Dawaahiri ayaa waxaa uu u soo jeediyay Hogaamiyaasha al shabaab in ay wax ka badalaan sida ay u Howl galayaan oo Joojiyaan Xadgudubyo badan oo uu HOgaanka Ururku ku kacay waxaana Taas Aad uga carooday Axmed Godane iyo Xubnaha Fikirkiisa la dhacsan waxaana hada wararku shegayaan in Khilaaf arintaas ka dhashay uu Xoogeystay uuna soo Dadajiyay in Shabaab badalaan Mowqifkoodii ay horay ugu biireen Al qaacida .
War lagu Daabacay Warbaahinta shabaab qaar ayaa lagu sheegay in Hogaamiyaha Shabaab uu Diyaarinayo Khudbad uu arintaan uga hadlayo oo uu ku Faah faahinayo sababta keentay in uu Ururkiisa ka saaro Al qaacida si rasmi ahna looma Oga Halka uu salka la gali doono Ururku Mar hadii uu al qaacida ka baxo Usaama Bin laadin ayaa ahaa hogaamiyaha Al qaacida Markii shabaab ku Biirayeen al qaacida waxaana la aaminsan yahay in hadii Kooxdu ka Baxdo Al qaacidu ay Bur buri doonto sida ay qabaan Dadka Arimahaan u Duundaloola .
Comments
comments