Al-shabaab oo Toban ruux u qabtay iney bixiyeen xogta lagu dilay Aadan Garaar
Diinsoor(Bartamaha) Wararka ka imaanaya degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in AL-shabaab ay xirxireen 10 ruux oo ay ku eedeeyeen iney wax ka ogaayeen duqayntii Cirka ee lagu dilay sarkaal ka tirsanaa amniyaadka Al-shabaab.
Wararka ka imaanaya magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor ayaa sheegaya in Al-shabaab ay qabqabteen ku dhawaad 10 ruux oo ay ku jiraan Saraakiil dhanka Sirdoonka ah oo ka tirsan Al-shabaab iyo dad shacab ah.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in dadka la qabtay ay ka mid yihiin rag ka tirsan Sirdoonka Al-shabaab oo lala xiriirinayo iney bixiyeen xogta lagu dilay Aadan Garaar oo ka tirsanaa saraakiisha amniyaadka Al-shabaab.
Markii habeen hore ay dhacday duqaynta cirka ah lala beegsaday Sarkaalka lagu magacaabo Aadan Garaar Al-shabaab ayaa bilaabay hawlgallo ay ku xirxireen dad badan oo ay ku eedeeyeen iney gacan siinayaan Sirdoonka Maryakanka isla markaane ay bixiyeen xogta lagu dilay Aadan Garaar.
Bartamaha
Comments
comments