Al-Shabaab oo Saaka Faarujiyay Muqdisho Iyo Dagaallo Culus oo Xaley ka dhacay
(Muqdisho www.Bartamaha.com):-Waxa Saaka oo sabti ah Degmooyinka magaaladda muqdisho lagu waa bariistay Al-Shabaab oo isaga baxay oo laga waayay meelihii ay joogeen.
Dadka ku dhaqan goobahii ay kaga sugnaayeen Al-Shabaab magaaladda muqdisho ayaa u sheegay website-ka www.bartamaha.com in saaka ay ka warheleen Al-Shabaab oo ka maqan deeganadda ay joogeen.
Goobaha ay baneeyeen Al-Shabaab, waxa ka mid ah: Stadio Muqdisho, Deyniile, Gubta , Saldhiga Yaaqshid, wadada warshadaha, Suuqa Xoolaha iyo meelo badan.
Faarax Axmed oo ka mid ah dadka ku dhaqan deeganka suuqa xoolaha ee degmadda hilawaa ayaa u sheegay www.bartamaha.com, in uu arkay gaadid ay ka buuxaan Al-Shabaab oo xaley iskaga baxay deeganka ay joogaan kuwaas oo u sii socday gobalka shabeelaha hoose.
Fartuun Mirre oo ka mid ah haweenka ku dhaqan degmadda dayniile ayaa u sheegtay iyana barta.com in ay aragtay gaadid badan oo al-shabab ay lee yihiin kuwaas oo xale goobo badan faarujiyay degmadda dayniile iyagoo aaday dhinaca deeganka ceelasha biyaha ee duleedka muqdisho.
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage ayaa u sheegay Idaacadda afka al-shabaab ku hadasha in gabi ahaan la badalay maamulkii al-shaab ee gobalka banaadir, isagoona cadeeyay in gabi ahaan ay ka baxeen magaaladda muqdisho
Waxa uu sheegay in ay arrintan ay tahay xeelad cusub sidda uu hadalka u dhigay, waxa uu intaa ku daray in ay dib ugu soo laaban doonaan magaaladda muqdisho sidda ugu dhaqsiyaha badan.
Si kastaba, waxa saaka lagu arkay goobihii ay baneeyeen al-shabaab ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM iyo dad badan oo arrinkan ku faraxsan.
Dhinaca kale. dagaallo culus ayaa xaley 11-kii habeenimo wax ay ka dhaceen goobo badan oo ay ku suganaayeen ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM, dagaaladda oo dhoor jiho ka dhacay ayaa waxa soo qaaday a-shabaab sidda ay sheegeen dadka deeganka.
Macadda qasaaraha ka dhashay dagaalkii xaley, iyo qasaaraha soo kala gaaray dhinacyadda dagaalamay, laakin waxa uu ahaa dagaallo culus oo ka badalan kuwii ka dhacay dhawaanahan magaaladda muqdisho.
Wixii ku soo kordha xaaladda muqdisho asxaabta aan jecelnahayow waxa aan idiinku soo gudbin doonaa website-ka bartamaha .com haddii alle idmo.
Comments
comments