Calendar

Al-Shabaab oo mar kalle dib ula wareegtay Degmadda Dhoobley

SOMALIA/
Bartamaha (Nairobi):
- Xarakada al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay dib u qabsatay magaalada dhoobleey, iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin.

Dadka degaanka ayaa iyagu ku waramaaya oo ay Saxaafaddu la xirrirtay in Ciidan taabacsan Xarakadda Al-Shabaab ay si nabad ah kula wareegeen,ka dib marki Ciidanki Xisbul Islaam oo la aaminsanyahay in uu watay Axmed Madoobe ay halkaas isaga baxeen.

Degmadda Dhoobleey oo xadka dalka Somalia uu la wadaago dalka Kenya ayay maalmahan dagaalo ku dhax marayeen ciidamo taabacsan Sh. Axmed Madoobe iyo ururka Al-Shabaab.

Ciidanka Xarakadda Al-Shabaab ayaa waxaa ay wateen gawaaridda nooca dagaalka,waxaana ay kasoo galeen wadada ka timaada magaaladda Kismaayo halkaas oo ay gacanta ku hayso Al-Shabaab

Ciidanka Xisbul Islaam ee maalinimadi shalay gacanta ku dhigay degmadda Dhooble ka dib marki ay weerar kusoo qaadeen Ciidanka Al-Shabaab oo hore halkaas gacanta ku hayay ayaa aan la ogeyn halki ay ku dambeeyeen oo ay aadeen,inkasto wararka qaar ay sheegaayan in ay ku suganyihin degmadda.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in mar walba deegaanka Dhoobleey laga filin karo in uu dagaal ka qarxo maadama dhinacii shalay la wareegay deegaankaasi ay iminka ku suganyihiin sida la sheegayo meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka Dhoobleey ee gobolka Jubadda hoose.

Mudooyinki ugu dambeeyey Xoogaga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa waxaa ay ku dagaalamayeen goboladda Jubooyinka ee Koonfuurta dalka Soomaaliya.

Ubax Mohamed
Xafiiska Bartamaha ee Nairobi-Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: