Calendar

Al shabaab oo ka digay in Ajaanib lagu tilmaamo Muslimiin ay sheegeen in ay u soo gurmadeen umadda Soomaaliyeed

somalia_al_qaedaShabelle: MUQDISHO — Ururka Al shabaab oo ka digay in Ajaanib lagu tilmaamo Muslimiinta ay sheegeen in ay u soo gurmadeen umadda Somaliyed, waxaana ay dhaleeceeyeen hay’ada Culimada Soomaaliyeed.

Madaxa siyaadada iyo arimaha gobolada ururka Al shabaab shiikh Xuseen Cali Fiidoow oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa ka digay in Dad ajaanib ah lagu tilmaamo muslimiin uu sheegay in ay u soo gurmadeen umadda Soomaaliyeed xiligii dhibaatada ay heysatay ee Cadawaga Ethiopia ay ugadaha dalka ku sugnaayeen sida uu hadalka u dhigay.

“Markii umadda Soomaaliyeed iyo dalka ay ku soo duuleen ciidamada Ethiopia iyo kooxihi ashahaado la dirirka ah ee Umadda ay islaamka u qeylo dhaansatay ee dadkii u soo gurmaday oo guryahooda iyo reerahooda uga soo tagay ee naftooda u huray ee qaar ay ku shahiideen halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen in maanta la yiraah Ajinabi waaye waa arin qaldan,waxaana shacabka uga digeyanaa in aan la qaldin” ayuu yir Shiikh Xuseen.

Sidoo kale waxaa uu Shiikh Xuseen ka hadlay arinta ku dhaqanka Shareecada islaamka ee dowlada ay qaadtay waxaana uu ku tilmaamay in taasi ku dhaqankeeda laga dhigay in Ex Contarol Afgooye isbaaro la soo dhigo isla markaana maatida carareeysa lagu dhibo oo isbaaro looga qaado” ayuu intaasi raaciiyay Madaxa siyaadada iyo arimaha gobolada ururka Al shabaab.

Mar uu ka hadlayay hay’ada Culimada Soomaaliya ayuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo umadda Soomaaliyeed ku dhagraya in ay yihiin dhex dhexaadin ayna habeen iyo maalin hoos joogaan sida uu sheegay madaxweynaha oo uu ku tilmaamay nin habeen iyo maalin ku wardinaya Uganda iyo Burundi ha noo soo gurmadeen.

“Kuwa sheeganaya in ay yihiin culimo dhex dhexaad ah waxaan ognahay in ay yihiin kuwii ciidamada Ethiopia marka ay umadda leyneysay ee ay haweenka Kufsanayeen yiri yaan lala dagaalami waxaa kensaday dowlada C/llaahi Yuusuf,marka waxaan ognahay in aysan u dhameeyn go’aamada ay soo saaraan oo intooda badan Madaxtooyada ay ku xiran yihiin ayuu intaasi ku daray Shiikh Xuseen Cali Fiidoow.

Ugu danbeeyntii waxaa uu ka hadlay Madaxa siyaadada iyo arimaha gobolada ururka Al shabaab shiihkh Xuseen Cali Fiidoow dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacayay magaalada Muqdisho,waxaana wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray dowalada ee ahaa in ay difaacayaan Shacabka,waxaana uu ku tilmaamay in hadalkaasi uu yahay waxba kama jiraan oo ay difaacayeen Ciidamada AMISOM sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa siyaadada iyo arimaha gobolada ururka Al shabaab shiihkh Xuseen Cali Fiidoow ayaa u mahad caliyay ciidamo uu ku sheegay in ay u dul qaadan waayeen in ay ka barbar dagaalamaan Cadwaga umadda Soomaaliya isla markaana ay difaacaan ciidamada shisheeye.

Hadalka Ka soo yeeray ururka Al shabaab ayaa ku soo aadaya xili dagaalo xoogan ay ku dhex mareen ciidamo taabacsan ururka Al shabaab iyo ciidamada dowalada kuwaasi oo geystay Qasaare farabadan oo soo gaaray dadka shacabka ah.

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: