Calendar

Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo ku dagaalamay Degmadda Yaashqiid.

AFR04_SOMALIA-CONFLICT-_072

Bartamaha (Muqdisho):- Xaaladda Degmadda Yaaqshiid ayaa hadda dagan kadib markii aroortii hore ee saakay June 21, 2010 ay rasaas ku dhax martay Maleeshiyada kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam.

Wararka ayaa sheegaya in sababta keentay in uu dagaalkan dhaco ay tahay kadib markii Ciidan ka socday kooxda Al-shabaab ay rasaas ku fureen Ciidamo kalle oo ka socda kooxda Al-shabaab kuna sugnaa Dhismaha Xaashi Wehliye eek u yaal Igoyska Fagax ee Magaaladad Muqdisho sidaa waxaa xaqiijiyay mid ka mid ah dadka Deeganka.
Daqiiqado dagaal ah kaddib waxaa goobta isga cararay maleeshiyadii kooxda Shabaab sida ay goob joogayaashu shegayaan, waxaana goobta dagaalku ka dhacay gaaray maleeshiyaad wata gaadiidka dagaalka oo ay leeyihiin kooxda Xibul-Islaam la baxday balse wali la soo sheegen dhimasho iyo dhaawac ka dhashay is rasaaseentan.

Sidoo kale agagaarka Saldhigga degmada Yaaqshiid ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo ay sameynayaan Xisbigu, waxaana la xiray goobihii ganacsiga ee Fagax, ayadoo isu socodkii gaadiidkuna uu hakad galay.
Maleeshiyadii Shabaab ee saakay laga ceyriyay Fagax, ayaa la aaminsan yahay in ay gurmad raadsadeen, ayadoo dadka deegaanku ay welwel xooggan ka qabaan in dagaal xooggan uu dhex maro labada maleeshiyo.

Waa markii ugu horreysay ee labadan kooxood ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ay dagaalamaan iyadoo kooxda Al-shabaab ay qabsadeen goobo Muhiim ah oo ay ka talin jireen Maleeshiyada Xisbul Islaam waxaana la sheegayaa in Al-shabaab ay qorsheenayaa in Degmadda Afgooye ay la wareegan lagana cabsi qabo in dagaal Al-shabaab iyo Xisbul Islaam u dhaxeeya uu ka dhaco Gobalka Shabeeladda Hoose.

Xafiiska wararka Bartamaha ee Muqdisho.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: