Al Shabaab Dadku ha Sabraan, Qof Carari Lahaa Lama Hor Cararo
Mas’uulka gobolka Banaadir uga wakiilka ah xarakada Ah Shabaab Shiikh Cali Maxamed Xuseen, ayaa shacabka ugu baaqay inay sarbaan, oo sugaan guusha.
Â
Wadaadkan oo saaka u waramayey bbc-da ayaa sheegay in dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho ay yihiin dagaalo lagu soo qaaday, isla markaasna ay ku jibiyeen ciidamadii dowlada ee weerarka soo qaaday, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Â
Shiikh Cali Maxamed Xuseen ayaa intaas ku daray in dagaalada ka soconaya Muqdisho ay gabagabo ku dhow yihiin, isla markaasna ay magaalada oo dhan gacanta kuwada dhigi doonaan, waa sida uu hadalka u yiriye, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay adkeystaan.
Â
” Dadku ha sabraan, qof carari lahaa lama hor cararo, guushu waa dhowdahay, intii dhimatay insha allaah waa shuhado, inta dhaawaca ahna ilaahay ha caafiyo” ayuu yiri Shiikh Cali Maxamed Xuseen.
Â
Mas’uulkan ayaa sheegay in ay nabad doonayaan, balse ay doonayaan nabada ilaahay kitaabiisa ku sheegay, wuxuuna carabka ku dhajiyey in beesha caalamku ayan marnaba dooneyn in Soomaalidu nabad ku noolaato.
Â
Shiikh Cali ayaa dowlada KMG ah ku eedeeyey inay xasuuq ba’an ka geysatay meelaha dadka shacabka ahi degen yihiin, isagoo intaas ku daray in AMISOM ay dhineceeda ka wado gumaadka lagu hayo shacabka.
Â
Hadalka wadaadkan ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho ay ka holcayaan dagaalo kharaar oo u dhexeeya dowlada KMG ah iyo xoogaga Xisbul Islaam iyo Al Shabaab oo isku dhinac ah, waxaana dagaaladaas ay galaafteen nolosha dad aad u badan
Comments
comments