Ahlu sunnah Dagaalka galabta dhacay waa furaha dagaalo badan oo socon doona…waan tagaynaa berito Bakaaraha..”
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Ahlu sunnah ayaa sheegatay masuuliyada dagaal qaraar oo galabta ka dhacay xaafado badan oo ka mida Magaalada Muqdisho oo qasaarooyin kala duwan dhaliyay.
Kooxda Ahlu sunnah ayaa galabta dagaalkii ugu horeeyay Muqdisho gudaheeda kula gashay Alshabaab iyadoo xooga dagaalka ay dareemeen dadka caasimada ku nool maadaama koox caaboon ay galeen dagaalka.
Madaxa Warfaafinta Ahlu sunnah ayaa daaha ka qaaday in dagaal qaraar ay maanta Muqdisho kula galen Alshabaab markii uu sheegay ay weerarka soo qaadeen Kooxdaasi Alshabaab sida uu caawa cadeeyay masuulkaasi.
“Dagaalka galabta dhacay waa furaha dagaalo badan oo socon doona oo aan magaalada uga saarayno Kooxaha Khawaarijta ah…waa balan in aan berito gaarno meelo badan …waan tagaynaa berito Suuqa Bakaaraha oo maalin walba dadka lagu gowraco…”ayuu yiri al-qaadi.
Ahlu sun nah ayaa dagaalka maanta ku gaartay Isgosyka Bakaaraha iyo Wadada Terbuunka oo horay ay alshabaab u haysteen waxaana laga baqanayaa in dagaalkaasi uu sii socdo maadaama caawa ay ku kala hoyanayaan labada Koox hareeraha wadada dABKA.
Xafiiska Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Â
Comments
comments