Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca oo sheegtay in ay u soo galeen Askar Alshabaab ka soogoosatay.
Bartamaha(Guri-Ceel):-Kooxda Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gaareen Ciidamo ka soo goostay Alshabaab kuwaasi oo si rasmi ah ugu soobiiray dhanka Ahlu Sunnah.
Taliyaha Ciidamada Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca Guri-Ceel ayaa saxaafada u sheegay in shalay galinkii danbe ay isku soo dhiibeen Saddex Askari oo ka soo baxsatay dhanka Shabaabka.
Taliyaha ayaa sheegay in Askarta Alshabaab ka soo baxsatay ay ku sugnaayeen Degmada Maxaas ka dibna ay xiriir la soo sameeyeen dhanka Ahlu Sunnah si ay u badbaadaan .
Ciidamada ayaa waxa ay ka mid noqonayaan kuwa dhawaan isku dhiibay Ahlu Sunnah ka dib xiriir ay la sameeyeen iyadoo aan la ogayn sababta dhabta ah ee ka danbeysa ku biiritaanka askarta shabaab ee dhanka Ahlu Sunnah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments