Ahlu Sunnah Wal-Jamaaca oo qabatay gaari waday hub iyo walxaha qarxa gudaha Gobolka Gedo.
Bartamaha(Doolow):-Ciidamada Ahlu Sunnah Wal-Jamaaca ayaa waxa ay qabteen gaari waday waxyaabaha qarxa kaasi oo lagu qabtay Deegaanka Doolow.
Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Kooxda Xizbul Islaam ayaa waxa ay ku qabteen Koox wadatay gari ay ka buuxeen waxyabaha qarxa xilli uu marayay deegaano ka mida Gobolka Gedo.
Sheekh Xasan C/laahi Maxamuud oo ah afhayeenka Ahlu Sunnah Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay hayaan gaari ay saarnayeen laba nin oo waday hub iyo waxyaabaha qarxa.
Afhayeenka ayaa sheegay in labada nine ee la qabtay ay ogayeen hubka iyo qaraxyada waxyaabaha laga sameeyo ee gaariga ay ku wadeen iyadoo haatan lagu xeray Degmada Doolow.
Todobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii Ciidanka Ahlu Sunnah ay gudaha Degmada Doolow ku qabteen 4-nin oo ay sheegeen in ay maleegayeen qaraxyo ay ka geystaan Deegaanka Doolow Ee Gobolka Gedo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments