Ahlu Sunnah Wal Jamaaca oo ku hanjabtay dagaal ka dhan ah Alshabaab oo muqdisho ka bilaabanaya.
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Ahlu sunnah ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay bilaabayso dagaal ka dhan ah Alshabaab gudaha Magalada Muqdisho.
Afhayeenka Dariiqada Suufiyadda ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee Magaalada Muqdisho Sheekh C/qaadir Sh. Maxamuud Abuukar Soomoow ayaa shaaca ka qaaday in xaalada muqdisho ay tahay dagaal ma hurto.
Sheekh Soomoow waxa uu wacad ku maray in Alshabaab dhaqanka ay wadaan uu yahay mid shareecada Islaamka ka baxsan dhawaana ay dagaal la galayaan Kooxdaasi gudaha Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka waxa uu xusay in ay samaynayaan diiwaan galinta dhalinyaro Mutadawiciin ah si dagaal ula galaan Alshabaab maadaama ay qabuurihii Wadaadada kala baxayaan meel walba.
Sheekh Soomoow ayaa sheegay in ay Iibin doonaan dhamman Hantidooda dhismayasha ay leeyihiin si Dagaal ay ula galaan Kooxda Alshabaab.
Hadalka Ahlu sunnaha yaa u muuqanayay mid ay ka go’antahay dagaal ay Muqdisho kula galaan Alshabaab oo dhawaan qoday dhammaan wadaadaii laga qadarin jiray Magaalada.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments