Calendar

Ahlu Sunnah Wal Jamaaca oo ka heshiisay khilaaf ka dhashay shirkii Magalada Addis-Ababa.

qaadiriyahBartamaha(Caabud-Waaq):-Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa heshiis buuxa ka gaartay is faham daro ka dhalatay shirkii Addis Ababa.

Kooxda Ahlu sunnah oo maalmihii la soo dhaafay shirk u lahayd Degaanka Caabud-Waaq ayaa gaartay heshiis buuxa oo ay ku wada qaateen heshiiskii Addis Ababa.

Madax ka mida Ahlu sunnah oo guud ahaan diiday heshiiskii Dowlada lagula galay Addis Ababa ayaa waxaa laga dhaadhicyay in ay qaataan heshiiskaasi.

Sida uu saxaafada u sheegay Afhayeenka AHlu sunnah Caabud-Waaq Sheekh Cali Gureey waxaa dhammaan la isku waafaqay in la qaato heshiiskii Addis Ababa markii dhawaan la isla fahmi waayay.

Dhammaan waxaa la isku afgartay in heshiiska Dowlada lala galay laga soo baxo waxyaabihii lagu heshiiyay markii dhammana Culimada ay wada tashi qaateen ayuu yiri afhayeenka u hadlay Ahlu sunnah.

Heshiiskii ka dhacay Addis Ababa 15-kii bishan March ayaa waxaa diiday qaar ka mida Madaxda AHlu sunnah Galgaduud wallow haatan ay aqbaleen ka dib markii muddo ay ku wareersanaayeen xalinta khilaafkaasi Wadaado caan ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: