Calendar

Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca oo faah-faahin ka bixisay ujeedada kulan uga socanaya Deegaanka Caabud-Waaq(War-Saxaafadeed).

ahlu sunaahBartamaha(Muqdisho):-War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca ayaa looga warbixiyay kulanka Culimadaasi uga socanaya Deegaanka Caabud-Waaq Ee Gobolka Gal-Gaduud(War-Saxaafadeed).

UJEEDO WAR SAXAAFADEED

Warbixin dheeri  ah oo ku saabsan shirkaan ay culimaa’udiinku ahlusunna wal-jamaaca kuleeyihiin m.cabudwaaq ee G/galgaduud.

SABABTA KALIFTAY SHIRKAAN

Fikirka shirkaan wuxuu biloowday markii ay ku guuleysteen culumaa’udiin ka ahlusunna waljamaca in ay ka xoreeyaan qayba ka mid ah dalka somaliya. Dhinacyada ka soo horjeeda ee ku soo duuley diinta,dadka iyo dalka somaliyeed Islamarkaana lahelay amni iyo istiqraar ay la’aayeen shacabka deegaanadaas mudo dheer.

11/01/09  markii laga faramaroojiya caasimadda G/galgaduud m.dhuusa mareeb gacmihii dhinacyada ka soo horjeeda ee gumaysiga ku haystay  ayey heleen shacabku fursad ay uga fakaraan sidii ay u heli lahaayeen maamul lagu gaaro kala dan beyn iyo nabad waarta, 18/02/09 ayey ahayd markii ugu horaysay  ee ay dhisteen culumaa’udiinka ahlusunnah waljamaca maamul kumeel gaar ah oo mudadiisu ahayd  3-bilood.

Maamulkaas oo ahadaaftiisa ay ugu waawayneed (2) qodob.

1-    Inuu dardar galiyo ladagaalanka  kooxaha ka horjeeda  

2-    Inuu ugogol xaaro isla markaana uu diyaariyo shir lagu dhiso maamul intaa kabalaaran oo lagu gaaro ujeedada rasmigaa ee ahlusunnah waljamaca oo ah in laga sifeeyo dhinacyada ka soo horjeeda dalka soomaliya lana helo nabad iyo xasilooni dhab ahaantiina ujeedooyinkaas guulo lataaban karo ayaa laga gaaray ugu danbeyntiina waxaa qabsoomay shirkaan hada loofadhiyo.

UJEEDADA SHIRKAAN

1- In logu sameeyo  maamul wax ku ool ah oo mideeya deegaanada ay gacanta ku hayaan culumaa’udiinka ahlusunnah waljamacah ama ay ciidamadoodu kula dagaalamayaan dhinacyada ka horjeeda si loo xaqiijiyo hadafka laga leeyahay oo ah kasifaynta kooxahaasi dalka somaliya iyo habsami usocodka  gudashada waajibaadka horyaala ahlusunnah waljamacah sida ,

•         Dib usoonoolaynta  adeegyadii bulshada oo mudo dheer burbursanaa sida

•         Kala danbeynta

•         Amniga

•         Caafimaadka

•     Wax barashada iyo dhamaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada

2- abaabulka dardar kaglinta iyo isku dubaridka dagaalka ay umada soomaaliyeed uga soo        horjeedaan cadowgooda  si looga dulqaado gumaadka iyo dhaca joogtadaa oo ay ku hayaan dadka soomaaliyeed ee islaamka ah.

AHMIYADDA SHIRKAN

Sidaa darteed shirkaani wuxuu uleeyahay umada soomaalyeed muhiimad gaar ah oo ah raja soo celinta ay u baahanyihiin.

shirkani waa kii ugu horeeyey ee noociisa ahaa oo lagu qabtay gudaha dalka somaliya kaasoo kamadaxa banaan habayaraatee gacan shisheeye.

KASOO QAYB GALAYASHA SHIRKA

Shirkaan waxaa kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada sida

A)   Culumaa’udiinka

B)   Aqoonyahanada

C)   Salaadiinta iyo indheer garadka

D)   Dhaliyarada

E)   Ganacsatada

F)   Haweenka

G)   Abwaanada

H)   Iyo dhamaan qaybaha ay bulshadu ka koobantahay  oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dabadiisaba

GUULAHA LAGA GAARAY SHIRKA

Shirku haatan wuxuu maryaa heer gaba gabo waxaana kasoo bixi doona go’aano nuxurleh oo wax ku ool u ah umadda somaliyeed Insha Allahu tacaalaa,

Shirkaan majirto cid gacan kageysatay oo kabaxsan dadka soomaaliyeed, dhinac dhaqaale siyaasad iyo fakir midnaba.

Shirkaan waxaa dhexfadhiya Culumaa’udinkii ugu waaweynaa ee soomaaliya ee daraasaadka shareecada islamka ka aqrin jiray dhamaan dalka somaliya

MAHAD CELIN  

Intaas kadib waxaan umahad celinaynaa dhamaan dadkii soomaaliyeed ee suurta giliyey inuu shirkaani qabsoomo iyo guud ahaan shacabka wax garadkaa ee afkaartooda kusoo biirinaaya shirka dal iyo dibadba meelkastoo ay joogaan taasoo u dhiganta iyagoo jooga hoolka shirka sidoo kale waxaad afkaartiina qaaligaa noogusoo gudbin kartaan Email ka ciwaan kiisu yahay

BAAQ GUUD

Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan bulshada soomaaliyeed in ay ka dheeraadaan wax kasta oo qilaafsan shareecada islaam ka kana foojignaadaan wax walba oo mugdi galinkara ayaayahooda  una midoobaan sidii ay ku gaarilahaayeen mustaqbal wanaagsan aaqiro iyo aduunba 

Gaar ahaan waxaan ugu baaqaynaa goobaha ay kasocdaan dagaalada sokeeye sida gaalkacyo, agagaarka camaara iyo bacaad wayn inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan xabadda uu ku daadanayo dhiigga sokeeye kuna xaliyaan khilaafaadka dhexdooda ah wadahadal.

Ugu dan baynti waxaan bulshada soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka iyo caalamka intiisa kaleba ugu baaqaynaa inay taageeraan shirkaan iyo wixii kasoobaxaba maadaama uu muhiim uyahay umadda  soomaaliyeed.

 

MAHAD SANIDIIN

 

MADAXA WARFAAFINTA AHLUSUNNA WAL-JAMAACA.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: