Ahlu sunnah Wal Jamaaca oo Eedeyn culus u jeedisay qaar ka mida Idaacadaha Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa Idaacadaha Muqdisho qaarkood ku tilmaamtay kuwa ku hadla Afka Alshabaab oo ay ka qeybyihiin dagaalada.
Madaxa Warfaafinta Ahlu sunnah Wal Jamaaca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-Qaadi ayaa Eedeyn culus u jeediyay Idaacadaha Muqdisho.
Abuu-Yuusuf Al-Qaadi ayaa sheegay in qaar ka mida Idaacadaha Muqdisho loo adeegsado dagaalka afka ah oo Alshabaab ay qaadayso islamarkaana ay doonayaan in ay kala jabiyaan Culimada Ahlu sunnah Wal Jamaaca.
Afhayeenka ayaa sheegay in Culimada Ahlu sunnah aanay u dulqaadan Karin hadalka ay baahinayaan Idaacadaha Muqdisho qaarkood oo uu sheegay in ay Alshabaab si toos ah ula shaqeeyaan.
Abulqaadi ayaa xusay in Idaacadaha loo hanjabay ka dibna la doonayo in loo adeegsado baahinta wararka aan sal iyo raadka lahayn si loo wiiqo awooda iyo wax qabadka Culimada AHlu sunnah.
Masuulkaasi waxa uu wacad ku maray in ay dhankooda talaaba ka qaadayaan Idaacadahaasi loo adeegsanayo baahinta wararka aan salka lahayn oo ay Alshabaab baahinayaan.
Abuu Yuusuf Al-Qaadi waxa uu ka dalbaday Idaacadaha doonaya ku hadlida Afka Alshabaab in ay joojiyaan talaabadaasi oo uu sheegay in Qatar badan ay ka soo wajihi karto.
Hanjabaada iyo caga juglaynta AHlu sunnah u jeedisay Idaacadaha Muqdisho qaarkood ayaa imaanaya xilli dagaalo ay ka bilowdeen Deegaano ka mida Gobolkaasi Galgaduud.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments