Calendar

Ahlu Sunnah Wal Jamaaca oo balan ku qaaday in Saacadaha soo socda ay la wareegi doonto ammaanka Baladweyne.

islBartamaha(Baladweyne):-in kastoo saacadihii la soo dhaafay xaalada Baladweyne ay ahayd mid dagan waxaa hadda soo baxaya hanjabaad dagaal kale oo ka bilowda gudaha Magaalada.

Afhayeenka Ciidamada Ahlu sunnah Wal Jamaaca Gobolka Hiiraan oo saxaafada la hadlayay ayaa wacad ku maray in saacadaha soo aadan ay magaaladaasi qabsanayaan Ahlu sunnah.

Maxamed Nuur Cagajoof Afhayeenkaasi u hadlay Ahlu sunnah ayaa sheegay in dagaalada ka dhacayay Baladweyne ay noqdeen kuwa daba dheeraaday blse haatan la soo afjarayo.

Sargaalkaasi u ahdlay ahlu sunnah ayaa sheegay in shacabka baladweyne ay u dulqaadan la’yihiin dhibaatada ay ku hayaan Kooxahan deegaanka ku soo duulay islamarkaana ay haatan doonayaan in ay iska h\xureeyaan.

Maxamed Cagajoof oo baladweyne ku sugan sida uu sheegay waxa uu  qiray in dagaalka uu qasaara sababayo balse maalin waliba aanay doonayn in magaalada la isku hor joogo.

Hadalka hanjabaada u badan ee sargaalkaasi ka soo yeeray ayaa waxa uus alka ku hayaa dagaalada baladweyne oo sii daba dheeraanaya iyo magaalada oo shacabka ay ka sii yaraanayaan taasi oo aan labada kooxba u wanaagsanayn in ay is horfadhiyaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: