Ahlu sunnah oo Xizbul Islaam ku Eedeysay dhac loo gaystay ganacsatada Xarardheere.
Bartamaha(Xarardheere):-Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca Gobolka Mudug ayaa dhaliil culus u jeedisay Xizbul Islaam oo ay sheegtay in ay dhaceen ganacsatada Xarardheere.
Sheekh Cumar Cusmaan Afrax oo ah sargaalka Ahlu sunnah uga wakiilka ah Mudug ayaa sheegay in la dhacay dhammaan googaha ganacsiga Xarardheere.
Sargaalkan ayaa sheegay in Xizbul Islaam ay dhaceen ganacsatada Xarardheere oo hantidooda ay qaateen markii ay jabsadeen goobaha ganacsiga sida uu sargaalkan saxaafada u sheegay.
Sheekh Cumar ayaa intaasi ku daray in  in Xarardheere ay dhibaata ku hayaan Kooxda Xizbiga isagoo sheegay in culeys ay ku hayaan dadka ganacsatada ah iyo rayidka kale.
Dadka ganacsatada ah ayaa dhawaanahan waxa ay sheegeen in hanti badan ay ka dhaceen Xizbul Islaam waxaana taasi ay dhibaata badan galisay habsami u socodka ganacsiga Deegaankaasi.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments