Ahlu sunnah oo weli u bira tumanaysa Cadaado.
Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa weli ku goodinaysa in ay la wareegi doonto Degmada Cadaado Ee Gobolkaasi Galgaduud.
Afhayeenka Ahlu sunnah Wal Jamaaca Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al qaadi ayaa wacad ku maray in ay gaarayaan dhawaan Degmada Cadaado oo ay qabsadeen Jimcihii ka dibna ay ka soo laabteen.
Alqaadii waxa uu sheegay in si Kormeer ahaana ah ay u gaareen saraakiisha ahlu sunnah Degmada Cadaado oo muddo ay haysteen Maamulka loo bixiyay Ximin iyo Xeeb kaasi oo Jimcihii isaga cararay guud ahaan Cadaado.
Abuu qaadi waxa uu daaha ka qaaday in saacadaha soo aadan ay dib ugu laabanayaan Degmada Cadaado oo aan loo dayn doonin kooxda hada ka talinaysa Deegaankaasi isagoo ugu baaqay in ay isaga baxaan goobta.
Afhayeenka Ahlu sunnah ayaa ku dhaartay in mar walba ay gacantooda soo galinayaan Gobolka Galgaduud oo ah goob ay ka taliso Ahlu sunnah Wal Jamaaca oo aan lagu arki karin Maamul kale oo ka talinaya.
Masuulkan Kooxda Ahlu sunnah u hadlayay ayaa hadalkiisa waxa uu imaanayaa xilli Degmada Cadaado ay qabsadeen kooxda Ahlu sunnah maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay taasi oo keentay in dhuusamareeb ay weerar ku soo qaadaaan shabaabka oo ka faa’iidaysanaya weerarka ahlu sunnah ku qaadeen Cadaado.
Xaalada Deegaanka Cadaado ayaa ah mid dagan waxaana dib u soo laabtay Maamulkii kala firxaday Ee Ximin iyo Xeeb oo qaarkood maalin dhan ay dibad joog ka ahaayeen Xarunta Maamulkooda Ee Degmada Cadaado.
Weerarkii Ahlu sunnah ayaa waxaa aad u Cambaareeyay Jaaliyada Beesha dagan Cadaado ee ku kala dhaqan Caalamka kuwaasi oo aad uga xumaaday falkii ahlu sunnah iyo qorshaha weerarkoodii ka dhacay Cadaado.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments