Ahlu sunnah oo wada hadal la gashay Beel taageera siisay Alshabaab.
Bartamaha (Dhuusamareeb):- Kooxda Ahlu sunnah ayaa kulan la qaadatay Beel taageera dhamaystiran siisay Kooxda Alshabaab taasi oo samaysay Ciidan taageersan Kooxdaasi shabaab.
Kulan balaaran oo amniga looga hadlayay ayaa saacada ka hor ku soo gabgaboobay Degmada Dhuusamareeb halkaasi oo ay ku shireen Odayaasha beel dagan bariga magaalada iyo Saraakiisha sare Ee Ahlu sunnah.
Kulanka amniga looga hadlayay oo ka dhacay Dhuusamareeb ayaa la xaqiijiyay in uu ku salaysnaa Cadaadis la saarayay beel maleeshiyaad u samaysay Alshabaab si ay u qabsadaan Degmada Dhuusamareeb.
Kulamada oo xasaasi ahaa ayaa la sheegay in lagu qancinayay beel dagan bariga Dhuusamareeb taasi oo maleeshiyaad daabac u ah Alshabaab halkaasi ka samaysay si ay ula wareegaan Degmada.
Gudoomiyaha Ahlun sunnah Degmada Dhuusamareeb Sheekh C/raxmaan Cali ayaa saxaafada war siiyay markii uu soo dhamaaday kulanka Muhiimka ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb.
Sargaalkan gudoomiyaha ka ah Degmada ayaa sheegay in la isla meel dhigay Hub ka dhigista Maleeshiyada raacday Alshabaab kuwaasi oo qorshahooda ahaa in ay dagaal ka abuuraan degmada ka dibna halkaasi ay soo galaan Alshabaab.
Masuulkan waxa uu sheegay in la qanciyay beesha taageertay Alshabaab taasi oo dagta Bariga Degmada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-gaduud oo marar badan laga difaacay weerar ka yimid Alshabaab.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments