Ahlu sunnah oo sheegtay in ay dileen Saraakiil Ajaanib ka mida Alshabaab.
Bartamaha(Muqdisho):-Ahlu sunnah Wal Jamaaca oo shalay galinkii dambe dagaal xoogan la gashay Alshabaab ayaa sheegtay in ay dileen saraakiil ajaanib ka mida Kooxdaasi.
Sheekh Abuu Yuusuf Al Qaadi Afhayeenka Ahlu sunnah oo dhawaanahan Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in ay dileen saraalkiil ajaanib ah oo kooxda alshabaab ka mid ah.
Al-Qaadi ayaa sheegay in ay dagaalkii shalay ku dileen nin uu magaciisa ku sheegay Anwar Al Muhaajir kaasi oo ka mida Alshabaab islamarkaana uu sheegay in ay arkeen maydkiisa.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ay dagaalka shalay ku dileen Laba nin oo muhiim ah oo mid ka mida uu yahay sida uu sheegay Ajnabi dagaalka kala qeybqaadanayay alshabaab.
Masuulkan Ahlu sunnah u hadlayay waxa uu sheegay in ay dagaalka shalay ku dileen 8-nin oo alshabaab ah oo mid ka mid ah uu ahaa taliyaha Xisbada Deegaanka Sablaale sida uu hadalkiisa u dhahay sargaalkaasi.
Isku soo duub waxaa saaka dagan deegaanada dagaalka xoogiisa uu shalay galab ka dhacay ee ka mida Degmada Hodon Muqdisho iyadoo la sheegayo in wadada Dabka ay tahay mid fuyran kooxaha dagaalamay dhexdoodana ay gaadiidka marayaan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments