Ahlu sunnah oo qabqabatay Burcad gudaha Matabaan.
Bartamaha (Matabaan):- Ciidamada Ahlu sunnah ayaa maanta Howlgal ay sameeyeen waxa ay ku qabqabteen Kooxo Burcad dhac ka geysanay Degmadaasi.
Howlgalka oo saaka bilowday ayaa la xaqiijiyay in lagu soo qabqabtay Kooxo Burcad ah oo la sheegay in ay dhawaanahan ay dhac iyo boob ka geysanayeen gudaha Degmada Matabaan.
Dadka la qabqabtay ayaa waxa ay ahaayeen Kooxo Burcad ah kuwaasi oo la sheegay in ay wateen hubka fudud oo ay wadooyinka u gali jireen gawaarida safarka ay si ay dhac ugu geystaan.
Dhawaanahan ayaa la sheegayaa in ay dhac iyo boob geysanayeen Kooxaha Burcada ah oo wadooyinka u galaya gaadiidka isaga kala goosha Gobolada Hiiraan iyo  gobolkaasi Galgaduud.
Dhaca ay geysanayeen Burcada ayaa waxa ay ku soo badanayeen wadooyinka Gobolka Galgaduud iyo deegaano ka mida Gobolkaasi Hiraan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments