Ahlu Sunnah oo Maanta Maxkamad soo taagaysa Wariye ay ku xereen Caabud-Waaq.
Bartamaha(Caabud-Waaq):-Maxkamada Ahlu sunnah Wal Jamaaca Deegaanka Caabud-Waaq ayaa maanta maxkamad soo taagaysa Wariyihii Wakiilka u ahaa Idaacada Shabeele oo muddo laba maalin ah ku xeran Degmada Caabud Waaq.
Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa maanta la filayaa in ay Maxkamad soo taagto Wariye C/kariin Axmed Bulxan kaasi oo lagu eedeeyay in uu warar been abuur ah ka tabiyay maamulka AHlu sunna wal Jamaaca.
Wariyaha oo wakiil wareed u ah Idaacada Shabeele oo markii ugu horeysay la hadlay Idaacada uu la shaqeeyo ayaa waxa uu sheegay in lagu haysto warar uu sheegay in lagu qoray Wepsite-ka Idaacada Shabeele wallow aanu isagu ogayn warkaasi waxa uu ku saabsanyahay.
Wariyaha ayaa waxa uu yahay Maxkamad suge isagoo muddo Laba Cesho ah hoyanaya Saldhiga Caabud Waaq oo ay Ahlu sunnah Maamulaan iyadoo maanta loo balansanyahay in Maxkamad la soo taago Wariyahaasi.
Maxkamadaynta Wariyayaasha ayaa waxaa todobaadkii la soo dhaafay bilaabay Kooxda Alshabaab oo musaafurin ku xukuntay Wariye Axmed Salaad oo saacada loo qabtay in uu uga baxo guud ahaan Magaalada Kismaayo.
Lama oga maanta Maxkamada la saarayo wariyaha Idaacada Shabeele u qaabilsan deegaanka Caabud waaq waxa ka soo bixi doona maadaama kooxda maxkamada saaraysa wariyaha ay yihiin koox maamusha deegaanada Galgaduud oo qaab siytaasad ahaan ku difaacaysa dhammaan wararka ka baxa deegaanada ay maamulaan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments