Calendar

Ahlu sunnah oo maanta diiday in Indha shareerka lagu maro wadada gasha Bakaaraha .

1046Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa maanta diiday in Haweenka ay qaataan Indha shareerka xiliga ay marayaan wadada Dabka.

Ciidamada ayaa maanta haween badan ka furay Niqaabka ka dibna dab ka qabadsiiyay iyagoo u digayay haweenka qaar ee watay Indha shareerka xiliga ay howlgalka bilaabayeen.

Boqolaal indha shareera ah ayay maanta gubaeen Ciidanka dhawana galay aagaga Isgoyska Bakaaraha Muqdisho kuwaasi oo baaritaan kula dhaqaaqayay gaadiidka galaya iyo midka ka soo baxaya Bakaaraha.

Dhalinyaro badan ayay kala dageen gawaarida oo qaar ka mida ay jirdil kula dhaqaaqeen iyagoo ku eedeynaya in ay la shaqeeyaan Kooxda Alshabaab oo ay dagaal uga soo horjeedaan.

Maanta waxaa dhibaato xoogan qabsatay Haweenka qaata Indha shareerka iyadfoo ay qasab ku noqotay in ay furaan xiliga ay marayaan labada aag Ciidan dhexdooda .

Lama oga qorshaya ka dambeeya diidmada Indha shareerka waxaana laga war hayaa in Deegaanada Gobolka Galgaduud oo ay maamulaan ahlu sunnah laga mamnuucay indha shareerka.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: