Ahlu sunnah oo dishay rag doonayay in ay Miino ku aasaan Degmada Dhuusa-mareeb.
Bartamaha(Dhuusa-mareeb):-Kooxda Ahlu sunnah ayaa waxa ay xalay dileen Laba nin oo ay sheegeen in ay miino aas ku jireen.
Rasaas fiidinimadii xalay ka dhacday gudaha Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu dilay laba wiil oo dhalinyara ah iyadoo mid kale dhaawac ahaan loo qabtay.
Labada Wiil ee la dilay ayaa waxa ay wateen qalab lagu sheegay Miinooyin ay doonayeen in ay galyeen Wadada ka baxsa Saldhiga Booliiska.
Wiilka la qabtay ayaa watay Bistoolad sida ay Masuuliyiinta Ahlu sunnah shaaciyeen iyagoo balan qaaday in ay laynayaan dhammaan Kooxaha doonaya qalqal galinta dadka reer Galgaduud.
Xalay waxaa Magaaladaai la saaray Bandow kaasi oo la sheegay in lagula socanayo dhaqdhaqaaqa dhanka ammaanka Ee Deegaanada ay maamulaan Ahlu sunnah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â
Comments
comments