Calendar

Ahlu sunnah oo digniin u jeedisay Askarta Dowlada

Ahlusuna_7Bartamaha (Muqdisho):- Sargaal u hadlay Madaxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca Ee Gobolka Banaadir aya digniin muuqata u jeediyay askar ku qaraabanaysa magaca Ahlu sunnah.

Sheekh Max’uud Axmed Shuuriye oo ah Afhayeenka Ahlu sunnah Muqdisho ayaa digniin culus u jeediyay Ciidanka Dowlada oo uu sheegay in ay ku hoos dhuumanayaan askarta ahlu sunnah islamarkaana ay doonayaan in ay magaca Ciidanka ku qaraabtaan.

Sheekh Shuuriye waxa uu u digay Ciidanka dagan dhulka ahlu sunnah saldhigyada ku leeyihiin islmarkaana sheeganaya magaca ahlu sunnah taasi oo uu ku sifeeyay mid khalad iyo ceebeen u ah ciidanka Ahlu sunnah wal jamaaca oo uu sheegay in ay yihiin kuwa akhlaaq leh.

Wadadaadkanm waxa uu ugu hanjabay askarta Dowlada ee dadka ku dhacaya Xerooyinka ahlu sunnah goobaha aan ka dheereen in aan loo dul qaadan doonin balse lagu dili doono goobta lagu arko Ciidankaasi dhaca gaysanaya.

Sargaalkan waxa uu cadeeyay in Ahlu sunnah aanay Dowlada askarteeda shaqa ku lahayn islamarkaana ay dili doonaan askarigii u soo gala dhulka ay saldhigyada ku leedahay oo dhibaata ka gaysta dhulkaasi taasi oo ka dhigan in ay ka madax banantahay ciidanka dhaca gaysanaya.

Hadalka ahlu sunnah ayaa imaanaya xilli dadweynaha ku dhaqan Xaafadaha Degmada Dharkenley ay ka cabanayaan dhac ay gaysanayaan Kooxo ku libisan dareeska Ciidanka Ahlu sunnah Wal Jamaaca oo dagan Xaafadaha Xoosh iyo dhulka ku dhow dhow.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: