Ahlu sunnah oo digniin Culus u jeedisay Madaxda Dowlada KMG ah.
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa digniin culus u jeedisay masuuliyiinta ugu saraysan Dowlada KMG ah.
Hadal uu jeediyay wadaadka dhanka Talada u qaabilsan Ahlu sunnah ayaa waxa uu ku sheegay in aanay u dulqaadan doonin madaxda Dowlada oo uu ku Eedeeyay in ay dhabarka u jeediyeen jiritaanka heshiiskii Ahlu sunnah.
Sheekh Cumar Sheek C/qaadir oo ah  Gudoomiya Gudiga Talada Ahlu-Suna Wal jamaaca oo saxaafada la soo xiriiray ayaa waxa uu sheegay in aanay ku sii eegan doonin Dowlada KMG ah qaabka ay haatan ula dhaqmayso Wakiilada Ahlu sunah.
Masuulkan waxa uu sheegay in ay saacada ka dib ka laabanayaan Heshiiskii Addis Ababa islamarkaana ay banaynayaan dhamaan aagaga ay ku suganyihiin Ciidanka Ahlu sunnah Wal Jamaaca haddii aan la fulin heshiiskii Addis Ababa.
SheeKh Cumar ayaa ku dooday in muddo ay iska sabrayeen balse haatan ay u dulqaadan la’yihiin qaab dhaqanka Madaxda Dowlada oo uu sheegay in ay ka gaabsadeen fulinta heshiiskii addis ababa.
Hadalka madaxa Talada Ahlu sunnah ayaa ahaa midkii ugu cuslaa oo dhawaanahan ka soo yeeray waxaana ay saamayn balaaran ku yeelanaysaa Dowlada haddii ay baneeyaan aagag badan oo ay ku suganyihiin Ciidanka Ahlu sunnah iyadoo heshiiskii Addis ababa balan qaadkiisii ahaa in xilli hore la fulinayo uu dib u dhac badan ku yimid taasi oo ka caraysiisay ahlu sunnah.
Ma aha markii ugu horaysay oo madaxda ahlu sunnah ay rajjo xumo ka muujiyaan heshiiskii Addis Ababa oo fulintiisa ay ka soo daahday dhanka Dowlada KMG ah oo madaxda ugu saraysay ay ku mashquuleen xalinta khilaafaad dhexdooda ka dilaacay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments