Ahlu sunnah oo cambaareysay rasaas Shabaabka la beegsadeen gaari Shacab.
Bartamaha (Dhusamareeb):- Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa aad u cambaaraysay rasaas bareer ah oo ay maleshiyaad Shabaab ah ku fureen gaari ka baxay gudaha Dhuusamareeb.
Maleeshiyada shabaabka ayaa xalay fiidkii hore rasaas la beegsaday gaari ka baxay Magaalada Dhuusamareeb kaasi oo ku sii jeeday Deegaanka Mareerguur oo ay alshabaab meel aan ka dheereen saldhig ku leeyihiin.
Gaariga ay shabaabka rasaaseeyeen ayaa waxaa ku dhintay 5-qof in ka badan 4-kalana dhaawacyo daran ayaa ka soo gaaray markii la shanaqay gaarigaasi oo rasaastii ugu badnayd lala beegsaday gaariga rakaabka ah.
Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al qaadi afhayeenka Ahlu sunnah ayaa jawaab kulul ka bixiyay rasaasta shabaabka la beegsadeen garaiga rakaabka ah waxaana uu xusay in talaabadaasi ay ahayd mid murugo leh.
Afhayeenka waxa uu xusay in alshabaab ay u bareereen in ay laayaan shacabka maatada ah ee saaran gaadiidka Bl-ka ah iyo kuwa safarka ah taasi oo uu tusaale ugu soo qaatay dhacdoyin Muqdisho ka dhacay iyo tan xalay dhacday.
Afhayeenka waxa uu Cambaareeyay dhacdada lagu laayay Rakaabka gaari safar ahaa waxa uuna ugu baaqay Alshabaab in ay ka dul qaadaan dhibaatada dadka reer Galgaduud oo uu sheegay in ay u diyaarsan yihiin iska difaacida Alshabaab.
Xafiisak www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika
Comments
comments