Calendar

Ahlu sunnah oo beenisay in ay lug ku leedahay Dagaalada Balad-Weyne

ahBartamaha(Caabud-Waaq):-Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa beenisay in ay lug ku leedahay Dagaalada Baladweyne ka soo cusboonaaday .

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxda Ahlu sunnah ee Degmada Caabud-Waaq ayaa lagu sheegay in aanay Ahlu sunnah Ciidan u dirsan Dagaalka shalay ka dhacay Baladweyne.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Ahlu sunnah Ciidankooda ay yihiin kuwa u diyaarsan xureynta Gobolada ay haystaan Islaamiyiinta balse aanay wax dagaal ah haatan uga qeybgalin Baladweyne.

Warka ka soo baxay Xafiiska Maamulka Ahlu sunnah Ee Caabud-Waaq ayaa waxa lagu xusay in dagaalka ka bilowday Baladweyne uu yahay mid ka mida dagaalada looga soo horjeedo Cadowga wallow aanay Ciidan ahlu sunnah ka qeybqaadan.

Aadan Garaaso iyo Ciidan uu hogaaminayay ayaa shalay ka dhex muuqday dagaalkii ka dhacay Baladweyne iyo duleedka Magaaladaasi waxaana la sheegay in ay ku dagaalgalayaan Magaca Ahlu sunnah.

Lama oga sababta ay ahlu sunnah u diidantahay saraakiishii Hiiraan oo magaca Ahlu sunnah sheegtay dagaalna shalay uga qabsaday deegaano ka mida Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan.

Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: