Ahlu sunnah oo Bandow saartay Caabud-Waaq.
Bartamaha (C/Waaq):- Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa xalay bandow ku soo rogtay Deegaanada hoos yimaada Degmada Caabud-Waaq Ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo ammaanka aad loo adkeeyay.
Bandowga ayaa bilowday markii magaalada lagusoo daadiyay ciidan aad u fara badan oo kuwa ahlu sunnah ah kuwaasi oo Micrphono dadka ugu sheegayay in magaalada ay Bandow tahay xabsigana la dhigayo cidii la qabtaa.
Bandowga ayaa bilowday ka dib salaadii Taraawiixda ee Xalay xiligaasi oo Ciidanka ay magaalada si aad ah u soo buuxiyeen iyagoo dadka u sheegaya in ay ku ekaadaan gurayahooda magaalada oo dhana ay bandow tahay.
Qorshaha Bandowga oo aan la shaacin ayaa waxaa uu dhaqan galay abaara 9:00-Fiidnimop ee xalay xiligaasi oo Ciidanka ay magaalada si weyn u soo buux dhaafiyeen dad badana ay ku qabqabteen bandowga markii la gaaray xiligiisa.
Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in xalay deegaankaasi ay soo galeen Ciidan Ethiopian ah kuwaasi oo saraakiishooda ay la kulmayeen madaxda Ahlu sunnah wallow warkaasi aanay shaacin saraakiisha Culimada Ahlu sunnah.
Inta badan dhulka ay maamulaan Kooxda Ahlu sunah ayaa am,maan ahaan wanaagsan waxaana xiliyada ay kulamada leeyihiin saraakiisha iyo xiliga ay imaanayaan wafuud ka koraysa ahlu sunah la saaraa dhulka ay maamulaan Bandow aan xilli lahayn.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments